Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Gorgor oo fuliyay howlgal gaar ah.

Ciidanka Gorgor oo fuliyay howlgal gaar ah.

Bariire : Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen tuulooyin u dhow deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Sh Hoose.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire hoostaga waxaana saraakiisha Ciidamadu sheegeen inay tuulada Tawakal ku gubeen Doon ay Al-Shabaab isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen lacagaha iyo wixii kale ay shacabka ka qaadaan.

Waxaa howlgalka hogaaminayay Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Shekh & Gudoomiyaha deegaanka Bariire ee Gobolka Sh Hoose waxa ayna sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee uu tababaro Turkiga ayaa ku sugan meelo badan oo gobolada dalka ah, waxaana ay siweyn uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar la kulma weeraro uga imaanayo dhinaca Al-Shabaab.