RW Rooble oo la kulmay madax ka tirsan Midowga Yurub.
Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.
Wafdigaan ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Madaxda Midowga ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan madaxda wadanka iyadoo xilligaan lagu jiro waqti kala guur ah oo laga sugayo Madaxweynaha cusub inoo soo magacaabo Ra’iisul Wasaare soo dhisa gole xukuumad.