Taliyaha Hay’adda NISA oo la magacaabay.
Muqdisho : Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Maanta oo khamiis ah kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir Gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan iyo Ansixinta magacaabida Taliyaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo uu soo jeediyay Wasiirka Amniga XFS.
Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Mahad Salaad oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa Mucaaradka dowladdii uu hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xilka Taliyaha Hay’adda NISA ayaa maalmihii dambe banaanaa, iyadoo horey uu xilkaas si KMG ah uhayay Yaasiin Farreey oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana xilkaas uga sii horreeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Magacaabistan ayey dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ku fasireen in weli Madaxweyne Xasan Sheeq Maxamuud uu xilalka lasoo dhaafi la’yahay xubnihii ka ag dhawaa iyo saaxiibada xisbigiisa.