Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shiikh caan ka ahaa Somaliland oo geeriyooday.

Shiikh caan ka ahaa Somaliland oo geeriyooday.

Urdun : Allah ha unaxariistee Shiikh Cali Warsame Xasan oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday dalka Urdun, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.

Qaar kamid ah ehellada Shiikh Cali Warsame Xasan oo aan la hadlnay ayaa inoo sheegay in Shiikha uu u geeriyooday xanuun uu la soo wajayhay oo uu la taahayay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Shiikh Cali Warsame Xasan ayaa sanado badan ahaa daaci fidiya Diinta Islaamka ah, isagoo ka howlgalayay si guud deegaanadda Soomaalida gaar ahaan deegaanada maamulka Soomaliland.

Dad taariiq ahaan aad u yaqaana Shiikh Cali Warsame Xasan ayaa inoo sheegay in Shiikhu kamid ahaa aas’aasayaashii Ururka Al Itixaad ee Soomaaliya, sanadihii dambena waxa uu deganaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer.