Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dhismaha goleyaasha deegaanka oo Galmudug laga bilaabayo.

Dhismaha goleyaasha deegaanka oo Galmudug laga bilaabayo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Omar Abdi Mohamed ayaa  kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Mudug Iyo Galgaduud iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Galmudug.

Wasiirka ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo  ka warbixiyay xaaladaha nololeed Iyo Amni ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Galmudug.

Gudoomiyeyaasha gobolada ayaa soo gudbiyay cabashooyinka dhanka maamulka ah ee ay qabaan, sidoo kale waxa ay ka hadleen caqabadaha ka heysta dhismaha  golayaasha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay inta sanadkaan ka dhiman in loo baahan yahay in degmooyin badan lagu dhameystiro dhismaha goleyaasha deegaanka.

Ugu dambayntii Wasiir Cabdi Maxmed Jaamac ayaa ugu baaqay dhammaan Maamulada Degmooyinka Galmudug Ineey u diyaar garooban dhismaha Golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug & deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.