Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faahfaahinta dagaal ka dhacay Sh Hoose.

Faahfaahinta dagaal ka dhacay Sh Hoose.

Afgooye : Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xilli dambe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sida la sheegay ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.

Saraakiisha Amniga degmada Afgooye iyo mas’uuliyiinta Maamulka ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka Al-Shabaab, hayeeshee wararka saaka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u shaqeeynaya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Degmada Afgooye, iyaga oo gudaha degmadaas ka geystay dilal qorsheysan, balse Maamulka degmadaas waxa ay sheegeen inay adkeyn doonaan Amniga Guud ee degmada si looga hortago weerarada iyo falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Dhanka Al-shabaab ma jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ay kazoo saareen dagaalka xalay ka dhacay degmada Afgooye, kaas oo ay xubno ururka ka tirsan ku weerareen fariisin ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.