Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha gurmadka abaaraha oo la kulmay safiirka UAE ee Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha gurmadka abaaraha oo la kulmay safiirka UAE ee Soomaaliya.

Muqdisho : Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjiraha ayaa waxa uu muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas kaddib Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu xilkaan u magacaaabay madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxamuud ayaa wada kulamo uu la yeelanayo safiirada dalalka caalamka iyo daneeyeyaasha Soomaaliya isagoo kala hadlaya kaalmada ay geysan karaan gurmadka la qorsheynayo in la gaarsiiyo dadka abaaruhu sameeyeen.