Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Waa kuma Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir?

Waa kuma Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir?

Muqdisho : Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha hey’adda ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sida ay inoo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah Muxudiin Warbac Shadoor ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca shaqada hay'adaha amniga ah.

Waxaa uu mudooyinkii u danbeeyay si dhow uu ula shaqeynayay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo dhinaca amniga uu kala shaqeynayay doorashooyinkii lasoo dhaafay.

Gaashaanle Muxudiin ayaa xilka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir waxaa uu kala wareegayaa Cilmi Maxamed Baruuke oo xilkaasi loo magacaabay bishii Maarso ee ina dhaaftay markaas oo ay siyaasad ahaan is khilaafeen Madaxweynihii talada ka dagay & Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.

Agaasimaha Nabad sugidda & Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa Axaddii la wareegay xilka hay’adda NISA oo Khamiistii lasoo dhaafay ay magacaabidiisa ansixiyeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Durba waxaa bilowday isbedel dhanka hoggaanka ah oo hey’adda ku socda, waxaana lagu wadaa in maalmaha iyo bilaha soo socda wax badan ay is ka bedelaan habdhaqankii hey’daas oo muhiim u ah dib u soo kabashada ammaanka dalka.

Qorsheyaasha socda waxaa ka mid ah in magaca laga bedalo hey’adda NISA, waxaana la qorsheynayaan in loo bixiyo FISA, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay Muxuddiin Warbac ugu magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, hase ahatee waxaa ka horyimid Farmaajo oo khilaafkii hoggaanka NISA xiligaasi ka taagnaa ayaa lagu burburiyay magacaabistaasi.