Mas’uuliyiin kormeeray garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Boosaaso : Guddiga Amniga & Nabadgelyadda iyo Guddiga Maaliyada ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Guddiga amniga & nabadgalyada iyo guddiga maaliyada, dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiillada Puntland, ayaa u kuur galaya shaqada ballaarinta ah ee ka socota garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Ugu horeyn guddiyada ayaa kulamo la qaatay maareeyaha garoonka iyo saraakiisha kastamka cashuuraha garoonka, kuwaas oo ay ka dhageysteen habsami u socodka shaqada garoonka oo ay sheegeen in bishiiba ay soo fariistaan in kabadan 100 diyaaradood oo isugu jira caalami iyo kuwo sameeya safaro gudaha dalka ah.
Sidoo kale Guddiyada ayaa waxaa ay kormeereen shaqada ka socota habka casriyeynta iyo balaarinta garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso taas oo meel gabagabo ah mareysa waqtigaan.