Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sh oo Baydhabo gaaray.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sh oo Baydhabo gaaray.

Baydhabo : Waxaa maanta magaalada Baydhabo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Xubno katirsan labada Gole ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen) Xubno katirsan labada Gole ee dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxyooyada Soomaaliya & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jaray dib u dhiska lagu sameeyay qeybo badan oo kamid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada KGS.

Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku tagayo dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana safarkaan midka xiga uu noqon doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.