Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Muqdisho oo laga sameeyay howlgal ka dhan ah Ciyaal weerada & Maandooriyaha.

Muqdisho oo laga sameeyay howlgal ka dhan ah Ciyaal weerada & Maandooriyaha.

Dayniile : Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir kadib markii cabasho ay katimid qaar kamid ah Bulshada degmadaas.

Howlgalka ayaa waxaa horkacaayay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Dayniile, waxaana la sheegay in lagu soo qabtay Maandooriyeyaal iyo Ciyaal weero kuwaas oo qeyb weyn ka ahaa amni darrada kajirta qaar kamid ah xaafadaha degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile ayaa Bulshada ku nool degmada kula dardaarmay in ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasiloonida, isaga oo ka codsaday waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlan falalka amniga lidiga ku ah in ay Carruurtooda kawarqabaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi kudaray in maamulkiisa uu la dagaalami doona wax walba oo Amniga degmada wax u dhibaya sida Ciyaal weerada, Maandooriyaha, Nabad diidka iyoTuugada umada dhacda.

Degmooyin badan oo kuyaalla Gobolka Banaadir ayaa dadka kunool waxaa bilihii la soo dhaafay ay ka cabanayeen Ciyaal weero dadka dhibaateeya iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay.