Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Gudoomiye Cali Jeyte “waa in la furaa degmooyinka go’doonsan”.

Gudoomiye Cali Jeyte “waa in la furaa degmooyinka go’doonsan”.

Beledweyne : Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in degmooyinka qaar ee Gobolkaas ay muddo ku dhaw Sagaal Sana ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana taasi ay ka dhalatay xaalad Bani’aadan nimo.

Gudoomiyaha oo safar deg deg ah ku tagay degmada Buulo Burde oo kamid ah degmooyinka go’doonsan ayaa waxaa uu sheegay in dadka kunool degmadaas ay heeysato dhibaatooyin daran oo ay ugu horreeyaan Cunno yari, Biyo yari ka dhashay go’doonka, hayeeshee sida kaliya ee looga gudbi karo ay tahay in gacmaha leys qabsado.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in go’doonka degmooyinka qaar ee Gobolka Hiiraan aan lagu fiirsan oo si deg deg ah looga qaado si ay usoo noqoto Nolosha Bulshada.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyin badan oo kuyaalla Gobolada dhaca Koonfurta Soomaaliya oo gobolka Hiiraan kamid yahay waxaana ay saameeysay dadka danyarta ah ee kunool degmooyinka oo maciishada ay qaali ku noqotay.