Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay Jubada Hoose.
Dhoobleey : Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay waxaa ay laba qof oo Shacab ahaa ku dileen duleedka magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Labada qof ee la dilay oo ahaa dad isku qoys ah ayaa maleeshiyaadka hubeysan waxa ay ugu tageen guryahooda, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil.
Ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku baxay goobta uu dilka ka dhacay balse kuma aysan guuleysan inay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka shacabka ee halka qoys ahaa.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaano hoosyimaada degmooyinka Dhoobleey, Afmadoow iyo deegaanka Garileey waxaa kajiray colaad Beeleedyo, waxaana habeen ka hor deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilay hal qof halka laba kalena lagu dhaawacay.
Maamulka Jubbaland ee ka arrimiya deegaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaan weli ka hadlin dilalkaas, iyada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay deegaannada Gobolkaas kusoo laab laabteen colaad Beeleedyada.