Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Mareykanka oo duqeyn ku beegsaday xubno Al-shabaab ah.

Mareykanka oo duqeyn ku beegsaday xubno Al-shabaab ah.

Beerxaani : Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaaciyay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ciidanka Mareykanka ee howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya ayaa sheegay in deegaankaas ay duqeynta ka fuliyeen ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Shan xubnood ayaa la xaqiijiyay in duqeyntaas looga dilay Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah ee deegaanka sida uu sheegay taliska.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee dhawaan dib loosoo celiyay howlgladooda Soomaaliya ayaa rasmi ah u dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ka dib markii dhawaan ay kusoo laabteen Soomaaliya.