Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

CXD oo howlgal ku dilay xubin Al-shabaab ka tirsan.

CXD oo howlgal ku dilay xubin Al-shabaab ka tirsan.

Tiyeegloow : Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhadaha Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Deegaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashadana waxaa uu ahaa (Sheekh Al-Sima).

Taliyaha Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay Ciidanku inay dileen ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida u sheegay.

Waxaa uu sidoo kale Taliye Cali Xabad sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday deegaanada gobolka Bakool.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan qeybo kamid ah gobollada Baay & Bakool waxaa maalmihii udambeeyay tagay madax sare iyo taliyeyaal ciidan oo uu ugu sarreeyo Gen Odowaa Yuusuf Raage oo ah Taliyaha CXD.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ballan qaaday inay dardar gelinayaan howlgallada ka dhanka ah ee lagu beegsanayo xubnaha Ururka Al-shabaab ee inta ugu badan ku sugan Gobolada Sh Hoose, Baay & Bakool.