Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xubnihii ugu dambeeyay Komishanka doorashada Somaliland oo is casilay.

Xubnihii ugu dambeeyay Komishanka doorashada Somaliland oo is casilay.

Hargeysa : Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddiga Doorashooyinka ee Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar waana dadkii ugu dambeeyay ee guddiga qeybta ka ahaa.

Saddex xubnood oo kale ayaa horaan waxa ay isaga casileen xubin nimadooda guddiga halka xubinta xisbiga UCID-na aysan weli Baarlamaanku ansixinin.

Tani waxaa ay la macno tahay in dhammaan xubnihii guddigii Doorashada Somaliland ay meesha ka baxay maadaama ay iscasilaadooda maanta gudbiyeen xubnihii ugu dambeeyay ee Guddiga.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa dhismahiisa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana madaxda Xisbiyada mucaaradku ay goor horeba qaadaceen sax ahaan shaha guddigan iyo xubnaha kamidka ah.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee kala ah Ucid & Wadani ayaa shaki badan ka muujiyay daahfurnaanta hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inaysan dooneyn inay qabtaan doorasho waqtigeeda ku dhacda.