Dagaal ay ku dhinteen Rag wada dhashay oo ka dhacay Sool.
Laas-Caanood : Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay deegaanka kugarad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa deegaannada Buulal & Karin Karfood ee Gobolka Sool.
Daagaalka ayaa goobjoogayaal waxa ay inoo sheegeen in dadka ku dhintay ay kamid noqdeen Labo nin oo wada dhashay, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kale.
Dhinacyada dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla deegaanka ay ku dagaalameen ee kugarad, waxaana dagaalkooda uu yahay mid dhowr jeer oo hore soo laab laabtay.
Hay’adaha Amniga Somaliland ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee colaad Beeleedyada ayaa sanadihii la soo dhaafay aad ugu batay deegaanada Gobolka Sool gaar ahaan tuulooyinka hoostaga Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Maamulada Puntland & Somaliland oo isku garbiya maamulka deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaan wax muuqda ka qaban nabad gelyada deegaanka oo ay inta badan kusoo bandhigaan ciidamo dhinacyada kala taabacsan.