Sawirro : Ciidan loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo lasoo bandhigay.
Wisil : Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo dadka deegaanka Wisil ah, kuwaas oo loo diyaariyay xoreynta Koonfurta Gobolka Mudug.
Tababarkaan ayaa waxaa bixinayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, waxaana xiritaankii ka qeyb galay Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo mamaulka deegaanka Wisil.
Geedi Qalabxoor oo ka tirsan Saraakiisha Tababarka Bixinayay oo Warbaahinta Dowladda uga warbixiyay Ciidanka Tababarka qaatay ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo si iskood ah ay dadka deegaanka u qoreen, hayeeshee wixii xilligaan ka dambeeya ay katirsan yihiin Ciidamada Daraawiishta Galmudug.
Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamed Xaashi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fariin dardaaran ah u jeediyay Cutubyadaan Ciidanka ah ee tababarka qaatay, waxa uu ugu baaqay inay si wanaagsan ugu adeegaan Bulshadooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Deegaanno badan oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo u dahxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dhowr jeer oo hore waxaa sidoo kale ay deegaanada fog ee Koonfurta Gobolka Mudug dagaallo ku dhax mareen ciidamo is aruursaday oo dadka deegaanka ah iyo dagaalamayaasha ururka Al-shabaab.



