Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Wariye lagu xiray Somaliland & Ururro cambaareeyay.

Wariye lagu xiray Somaliland & Ururro cambaareeyay.

Hargeysa : Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa waxaa ay maanta ku xireen Wariye Cumar Seerbiya oo kamid ah Maamulka Astaan Tv kaas oo mudooyinkaan dambe ku noolaa Magaalada muqdisho.

Wariye Cumar Seerbiya ayaa markii hore ka yimid isla Magaalada Hargeysa, balse dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka howgalay xarumo Warbaahineed kala duwan oo kuyaalla Caasimadda.

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareeysay xariga Wariye Seerbiya, iyaga oo sheegay in ay ka xun yihiin xariga Saxafi Cumar Xasan Cali oo loo yaqaan Seerbiya oo maanta ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay ku xireen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee ay ciidanka Booliska ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula kaceen wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala Astaan TV.

Saxafi Cumar Seerbiya waxaa uu la socday duulimaad ka baxay Muqdisho, waxaana la xiray markii uu ka dagay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, Illaa iyo hadda lama yaqaano sababta loo xiray iyo halka lagu hayo.

Waxaan ugu baaqaynaa Saraakiisha Booliska garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa inay deg deg usii daayaan wariye Cumar Seerbiya ayna joojiyaan beegsiga lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta ka hawlgasha Somaliland.

Dhawaan ayey aheyd markii Maxkamadaha Racfaanka & tan gobolka ee Hargeysa ay xukunno kala duwan ku rideen Cabdi Maalik Muuse Coldoon iyo Sadex Wariye oo kale kuwaas oo tabiyay shaqaaqadii ka dhacday xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Deegaanada maamulka Somaliland waxaa ay kaalmaha kaga jiraan goobaha ugu badan ee lagu dhibaateeyo saxafiyiinta madaxa banaan ee ka howlgala warbaahinta qeybaheeda kala duwan.