Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xubno Al-shabaab ah oo howlgal lagu soo qabtay.

Xubno Al-shabaab ah oo howlgal lagu soo qabtay.

Sh Hoose : Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab gaar ahaan Ururka 4aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaanada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo kawada tirsan Gobolka Sh Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Dana bee howlgalka hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta barkoontarool oo ay ku lahaayeen deegaanadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Sidoo kale waxaa ay Saraakiishu sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay Lix xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa deegaanada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada Danab ee howlgalka hor kacayay waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ay Ciidanka Danab kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, Bakool & Baay halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan.