Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faahfaahinta shil gaari oo qasaare badan dhaliyay.

Faahfaahinta shil gaari oo qasaare badan dhaliyay.

Burco : Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay xilli dambe waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qoyta oo kuyaalla duleedka Magaalada Burco gobolka Togdheer ee Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Caasiga ama Homey, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Saddex Ruux halka 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilka gaari.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada wadooyinka iyo dadweyne farabadan oo deegaanka ah ayaa gaaray halka uu shilku ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadka shilka ku waxyeeloobay, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Burco.

Dhowr jeer oo hore ayaa wadada ka baxda Magaalada Burco waxaa ka dhacay shilal gaari oo ay ku dhinteen dad farabadan kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo Maamulka Somaliland uu ku guuldareystay dhismaha wadadaas.

Shilalka gawaarida ee inta badan ka dhaca deegaanada Soomaalida ayaa waxaa loo sababeeyaa darawalada oo aan ilaalin sharciyada wado marista, oo ay xawaare siyaado ah ku kaxeeyaan gaadiidka iyo inta badan wadooyinka oo burbursan.