QM “In ka badan 200,000 ayaa halis uga jira inay geeriyoodaan”.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dib u dhaca ka jawaabida looga hortagayo macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul ka dhalatay abaarta ku dhufatay deegaanada qaar.
Qaramada Midoobay ayaa musiibo deg deg ah ku tilmaantay xaaladda 213,000 oo qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saameysay abaarta ka jirta deegaano badan oo Soomaaliya ah, kuwaas oo ka qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku nool.
Afar xilli roobaad oo xiriir ah ayay Soomaaliya wajahday Roob yaraan & in xitaa meelaha qaar aysan helin wax roob ah, taasi oo sababtay abaartii ugu darneyd muddo dheer oo 40 sano ah kadib.
“Waa inaan si deg deg ah wax uga qabanaa sidii looga hortagi lahaa masiibo bini’aadantinimo,” El-Khidir Daloum oo ah madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee Soomaaliya, ayaa ku yiri warbixin uu soo saaray Isniintii shalay.
Tirada dadka ay soo food saartay gaajada iyo macaluusha ayaa kor u kacday 60 % tan iyo bishii Abriil, sida ay sheegeen hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo hay’adda ka digta Macluusha ee uu Mareykanku maalgeliyo.
Qeybo badan oo kamid ah deegaanada Soomaaliya ayay dadka kunool wajahayaan xaalado daran oo ka dhashay Abaarta iyo meelaha qaar oo Amni ahaan aan wanaagsaneyn oo ay Colaado wajiyo kala duwan leh ka jiraan.