Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mas’uuliyiin ka shiray Amniga Muqdisho waqtiga Caleem saarka.

Mas’uuliyiin ka shiray Amniga Muqdisho waqtiga Caleem saarka.

Muqdisho : Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugidda Amniga Caasimada maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka bishaan june 2022 oo ku beegan Khamiista soo aadan oo uu dhacayo Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in Bulshada Caasimada laga codsaday in dulqaad iyo adkeeysi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo haya, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami ah oo Madaxweyneyaal leh, Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.