Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika.
Cape Town : Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay gudaha wadankaas ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysan jiray dalkaas.
Labada dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasiin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.
Saacado kadib waxaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay howlgallo walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Kooxihii ka dambeeyay dilka labada dhalinyarada Soomaalida ahaa.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ku kordhay dilalka lagu haayo Soomaalida, waxaana todobaadkaan oo aan weli dhamaan kaliya dalkaas lagu dilay in ka badan 5 Ruux oo Soomaali ah, iyada oo laamaha amniga Koofur Afrika aysan illaa hadda waxba ka qaban dhibaatada Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida gaarka ah loogu hayo.