Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Caasiamadda dalka oo Bandoow saacado ah galleysa & wararkii ugu dambeeyay.

Caasiamadda dalka oo Bandoow saacado ah galleysa & wararkii ugu dambeeyay.

Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Waxaa uu sheegay in wadooyinka Muqdisho la xiri doono laga bilaabo 10: 00 Fiidnimo ee Caawa ilaa 5:00 Galabnimo ee Maalinta Berito ah, isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay saacadahaas dulqaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Maalinta berito oo Khamiis ah taariiqduna tahay 09-June-2022 waxaa Muqdisho imaanaya madax iyo wufuud heerkoodu sarreeyo, waxaana kamid ah Madaxweynayaal dalalka deriska ah qaarkood, safiirro iyo marti Sharaf kale.

Marka laga yimaado munaasabadda Caleema saarka ah waxaa sidoo kale berito Muqdisho lagu wadaa in Madaxweynayaasha Soomaaliya & Jabuuti ay si wadajir ah xariga uga jaraan dhismaha Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo dib u dhis lagu sameeyay, waxaa xusid mudan in sanadkii 2015 ay dhismaha xarunta AGA ay dhagax dhigeen Labadan madaxweyne.