Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Dowladda oo soo bandhigay Xubin Al-shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay.

Ciidanka Dowladda oo soo bandhigay Xubin Al-shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay.

Garbahaareey : Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ku soo bandhigay Nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Nabadsugidda.

Magaca Ninka kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, isagoona ka hadlay sababta keentay inuu isaga soo baxo Ururkii uu in muddo ahba ka tirsanaa ee.

Cabdicasiis ayaa wareysi lala yeeshay waxaa uu ku sheegay inuu Al-shabaab isaga soo baxay, kadib markii sida uu cadeeyay uu u adkeysan waayay xaaladda ay ku suganyihiin, waxaa uuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan Ciidanka Nabadsugidda ee ka howlgala gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigeen xubno iyo Saraakiil ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, iskuna soo dhiibeen Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolada Dalka.

Sidoo kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa iyaguna mararka qaarkood waxaa ay soo bandhigaan Askar ay sheegaan inay ka tirsan yihiin Ciidanka dowladda Federaalka oo isku dhiibay, kana goosta dowladda Federaalka.