Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland oo dib u dhigay dibadbixii ay maanta Iclaamiyeen.

Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland oo dib u dhigay dibadbixii ay maanta Iclaamiyeen.

Hargeysa : Xisbiyada  Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dib u dhigay banaanbax weyn oo maanta lagu waday in uu ka dhaco guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland, islamarkaana looga soo horjeeday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Somaliland..

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay ka dib markii ay ka codsadeen Odayaasha dhaqanka ee Somaliland in ay dhexdhexaadin & wadahadal bilaabaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee mucaaradka ah ayaa waxaa uu sheegay in banaaanbaxyada ay dib u bilaaban doonaan haddii ay dhici weyso doorashada xilligii loogu tala galay.

“Inta Muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada” ayuu yiri gudoomuiye Xirsi.

Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga isna mucaaradka ah ee UCID ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay guddiga isxilqaamay ee dhexdhexaadinta wadda.

“Annaga oo dhawrayna Ballankii aanu la galnay Guddidii Is xilqaantay, waanu hakinnay Mudaharaadkii Sabtida aanu iclaaminnay” waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa ka jirta xaalad kala aragti duwanaan ah taasi oo ka dhalatay in xisbiga talada haya ee Kulmiye ay dib u dhigeen doorashada Madaxtinimo ee maamulka taasi oo ay ka biya diideen xisbiyada Mucaaradka ah ee Wadani & Ucid.