Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ku dhawaad 40,000 arday oo Somaliland Imtixaan u fariistay.

Ku dhawaad 40,000 arday oo Somaliland Imtixaan u fariistay.

Hargeysa : Waxaa maanta guud ahaan deegaanada Somaliland u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee dugsiyadda Sare iyo Dhexe 40,000 kun oo arday sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada waxaana furay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Imtixaanka furay waxa uu dhammbaal hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka oo si siman loo wada fadhiistay fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe iyo fasalka afraad ee dugsiga sare.

Imtixaanaadkan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaarayso 40,000 (Afartan kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu u diray dhambaal hambalyo ah oo uu kula qaybsanayo farxada iyo rayn-raynta ay Ardaydaasi saaka ku galayaan imtixaanaadkaasi.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardaydaa tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa la’egi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Alle u fudaydiyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu ardaydaasi u rajaynayay inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.