Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya.
Muqdisho : Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Xarunta Shirarka ee Villa Hargeysa ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Gudoonada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay Xildhibaanada ku wargeliyay in kulan wadajir ah uu jiro, waxaana Ajandaha uu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.
Dhawaan kulankii ugu horreeyay oo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday Kooram la’aan.
Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, waxaana Kulanka Maanta sidoo kale la filayaa in lagu dhaariyo Xildhibaano Xubno ka noqday Guddiga Arrimaha Dastuurka.