Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Ganacsato & Gaadiidleey maanta Dibadbax dhigay.

Ganacsato & Gaadiidleey maanta Dibadbax dhigay.

Muqdisho : Qaar kamid ah Gaadiidleyda iyo Ganacsatada deegaanka ayaa waxaa ay saakay banaanbax cabasho ah ka dhigeen Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa ay uga cabanayaan Biyaha fariistay laamiga aada dhinaca Hotelka Towfiiq & Goobaha Ganacsi ee halkaas ku yaalla, taas oo keentay in Gaadiidka ay maraan wadooyinka Xaafadaha ah.

Banaanbaxayaasha ayaa dhagxaan ku jaray qaar kamid ah wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Isgoyska Fagax, iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka maraan, waxaana ay dalbanayeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu Biyaha wadada laamiga ah  ka nadiifiyo.

Waxaa muddo kooban hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga, waxaana Isgoyska Fagax siweyn looga dareemay banaanbaxa ay dhigayeen Gaadiidleyda iyo Ganacsatada.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa sanadahan dambe waxaa lagu sameeyay dib ushis balse ma jirto qorshe loo sameeyay Biyaha Roobka ee jidadka fadhiista oo laga xiray godadkii biya qabadka ahaa.

Marka ay laamiyadu Biyaha xiraan waxaa dhibka ugu badan ku qaba shacabka & Gaadiidleyda kuwaasoo isticmaala wadooyinka xaafadaha ee jid cadayaasha ah oo ay ku dhib qabaan dadka dagan hareeraha wadooyinka.