Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Howlgal lagu dilay xubno Al-shabaab ka tirsanaa.

Howlgal lagu dilay xubno Al-shabaab ka tirsanaa.

Matabaan : Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ujeedkiisa waxaa uu ahaa sidii deegaanada u dhow degmada Matabaan looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer weerar ku qaaday degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 10 Xubnood, sidoo kalena laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha.

Sidoo kale Taliye Odowaa Yuusuf Raage waxa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Hiiraan ee ay ku sugan yihiin xubnaha ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.