Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ergayga Abaaraha ee DFS oo dhalinyarada baaq udiray.

Ergayga Abaaraha ee DFS oo dhalinyarada baaq udiray.

Muqdisho : Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa dhallinyarada uu la kulmay waxaa uu ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira waaya aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu waxaa uu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danyarta ah ay u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, waxaa uuna ku boorriyay in ay dadaalkooda halkaas sii wadaan oo ay dadka caawiyaan.

Ugu dambeyn, Ergayga waxaa uu dhallinyarada Soomaaliyeed ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

Soomaaliya ayaa waxaa inta badan gobollada dalka ku dhufatay abaar xooggan waxaana jirta in dhallinyaro Soomaaliyeed ay u istaageen inay caawiyaan dadka liita oo ay Gobollada qaar gurmad ay gaarsiiyeen.