Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Kulanka Golaha Shacabka & Ajandaha looga hadlayo.

Kulanka Golaha Shacabka & Ajandaha looga hadlayo.

Muqdisho : Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaanada in Maanta uu kulanka jiro, isla markaana Ajandaha uu yahay Dhamaystirka Akhrinta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Maalintii Isniinta aheyd ee todobaadkaan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay xeer hoosaadka ay ku Shaqeyn doonaan si ay u akhriyaan, waxaana laga sugayaa Xildhibaanada inay dhawaan ansixiyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag oo dhowr ah iyo ansixinta hindise Sharciyeedyo muhiim u ah howlaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.