Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Gedo.
Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen deegaano katirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha ka dhashay khasaaro kala duwan.
Deegaanada ay diyaaradaha Kenya duqeynta ka geysteen ayaa waxaa kamid ah deegaanada likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel-cadde oo dhamaantood kawada tirsan gobolka Gedo halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Xoolo farabadan, sidoo kalena ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhaawacmay inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah u faah faahisay qasaaraha guud ee ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha Kenya fuliyeen.
Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid wanaagsan.
Dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriirkeeda Kenya waxa uu ahaa mid liita waxaana mar ay labada dal ku sigteen inuu dhex maro dagaal toos ah.
Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore xad gudubyo kusoo sameysay dhulka xorta ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana DFS ay ciidan xooggan geysay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo halkaas oo ay ka saareen ciidan Kenyan ah iyo Maleeshiyo la socotay.