Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo magacaabay Ra’iisul Wasaare.

Madaxweyne Xasan Sh oo magacaabay Ra’iisul Wasaare.

Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib wareegto kasoo baxday Xafaiiska Madaxweyne Xasan Sh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyagoo is garab jooga si wadajir ahna uga soo muuqday Muuqaal Tabin toos ah oo laga sii daayay bogga Facebook ee Madaxtooyada Qaranka.

Xamse ayaa horay waxaa uu u soo noqday Xoghayihii Xisbiga UPD mudadii udhaxeysay sanadihii 2011-2017, Xamse Cabdi Barre waxaa uu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa Gudoomiyihii Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland doorashadii dhacday sanadkii 2019 taas oo mar kale uu kusoo baxay Madaxweynaha kaliya ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku-xigeen.

Xamse ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.