Waa kuma Xamse Cabdi Barre RW magacaaban ee Soomaaliya.
Muqdisho : Waa kuma shakhsiga loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, waa 48 sano jir sida ku cad sooyaalkiisa waana Aabbe 8 caruur ah leh.
Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa beel ahaan waxaa uu kasoo jeeda Qabiilka Daarood, Kuumade, Absame, Ogaadeen, Maxamed Subeer.
Xamse Cabdi Barre ayaa ah Xildhibaan Golaha Shacabka ah waxaana lasoo doortay 28-kii bishii December ee sanadii 2021, deegaan doorashadiisuna waa magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.
Heerkiisa Waxbarashada waxaa uu gaaray MBA in Management oo uu ka diyaariyay Jaamacadda International Islamic University of Malaysia (2009), BA in Management, University of Science and Technology in Yemen (2001)
Khibradda shaqada:
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland (2019-2020)
La Taliye Sare, Wasaaradda Dastuurka JFS (2015-2019)
La Taliye Arrimaha Maamulka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir (2014-2015)
Xoghayaha Xisbiga UPD (2011-2017)
Ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda Kismaayo, ka soo qabtay dhowr xil, sida Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda
Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale Bare Sare waxaa uu kasoo noqday Jaamacadda Muqdisho
Xoghayaha Guud ee Daladda Waxbarashada FPENS oo uu ahaa mudadii u dhaxeysay (2003-2004)
Geedisocodka siyaasadda dalka khibrad mug leh ayuu u leeyahay, waana local (dal joog).
Waxaan kasoo xiganay oo qoray Xogtaan : Abdimalik Abdullahi