Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Axmed Qoor qoor “Dagaalkii Baxdo waxaa lagu dilay rag Ajaanib ah”.

Axmed Qoor qoor “Dagaalkii Baxdo waxaa lagu dilay rag Ajaanib ah”.

Dhusamareb : Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada deegaanka Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay iskaga difaaceen weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Baxdo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku amaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen Al-Shabaab oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka deegaanka Baxdo.

Maamulka Galmudug waxa uu xaqiijinayaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deegaanada hoos taga Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga ragii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah sida ay sheegatay Madaxtooyadda Galmudug.

Maamulka Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii shalay lagu jabiyay Al-Shabaab uu ahaa mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii Baxdo.