Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qarax ka dhacay Kismaayo & Faah faahino laga helayo.

Qarax ka dhacay Kismaayo & Faah faahino laga helayo.

Kismaayo : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa waxa uu ahaa Miino lagu xiray guri uu xaafadda Kibooro ka dagan yahay sarkaal ka tirsan ciidamadda Amaanka ee Jubbaland.

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay  jiraan khasaare dhaawacyo ku kooban oo gaaray qoyska sarkaalka weerarka lagu qaaday iyo askar ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa howlgallo ka bilaabay xaafadda uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyay Qaraxa.

Kismaayo oo caasimad KMG u ah maamulka Jubaland, sidoo kale waa magaalo madaxda gobolka Jubada Hoose waxayna kamid tahay goobaha ugu Amniga badan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland inkastoo ay mararka qaar ka dhacaan falal amni darro.