RW Rooble oo daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare.
Muqdisho : Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa maanta laga daah furay guud ahaan dalka marka laga reebo deegaanada ay ka arrimiyaan maamulada Somaliland iyo Puntland.
Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana Ardayda Dugsiyadda Sare ay maanta u fadhiisteen Imtixaanka Shahaadiga ah Dowladda Sanad dugsiyeedka 2021/22.
Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay sugaan Amaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka, kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble , Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Carab & Mas’uuliyiin kale ayaa Iskuulka 1-da Luulyo ka daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee sanadkaan.
Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga biloowday Gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxaana tirada guud ee ardayda galeysa lagu inay tahay 35,000 arday.
Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan oo ay Ardayda sanadkaan Imtixaanka ku galayaan waxaama tirada lagu sheegay inay gaareyso ku dhawaad 25,000 oo Arday.