Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Shirkadaha Diyaaradaha oo Amni darro ujoojiyay shaqada.

Shirkadaha Diyaaradaha oo Amni darro ujoojiyay shaqada.

Muqdisho : Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay dhamaan Madaxda Shirkadaha diyaaradaha ee Gobolada dalka aada, kulankaasi oo looga hadlay caqabado kasoo cusboonaaday qaar kamid ah Garoomada diyaaradaha ee dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Ururka diyaaradaha (AOQ) ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maalinta berri oo Axad ah ay joojinayaan dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha ee Gobolada dalka.

Guddiga ayaa sheegay in kalsooni darro amni ay ka jirto Garoomada diyaaradaha gudaha dalka, waxaana Hay’adda duulista Rayidka ay ku eedeeyeen in aysan u muuqan mid u heelan badqabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran intaba.

Qoraalka ay soo saareen Guddiga ayaa waxay ku sheegeen inay joojinayaan dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha ee Gobolada dalka illaa iyo inta laga xalinayo caqabadda ka taagan badqabka diyaaradaha iyo dadka rakaabka ah ee saaran diyaaradaha.

Madaxda Garoomada diyaaradaha gudaha dalka ayey Guddiga la socodsiiyeen arrinta jirta, waxaana Qoraalka sidoo kale la Ogeysiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka iyo Maareeyeyaasha hay’addaha duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa sida tan :-.