Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Hub dagaal lagu qabtay oo lasoo bandhigay.

Hub dagaal lagu qabtay oo lasoo bandhigay.

Baxdo : Maamulka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaankaas ayaa maanta goob fagaare ah waxaa ay ku soo bandhigeen, meydadka xubnihii Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay & saanad ciidan oo lagu qabsaday dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in la tiriyey meydadka 70 xubnood, waxaana ragga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay darawalkii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Dagaal culus ayaa shalay waxaa uu ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud kaasoo u dhaxeeyay maleeshiyaad is abaabulay oo deegaanka ah iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro badan dhimasho iyo dhaawacba leh.

In ka badan 30 dagaalame ayaa la sheegay in Al-shabaab looga dilay dagaalka, halka Al-shabaab dhankooda ay sheegeen inay dagalka la galeen maleeshiyaadka is abaabulay ee deegaanka ka dileen 27 xubnood, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo tobaneeyo gaaraya.

Deegaanka Baxdo ee dhaca gobolka Galgaduud dhowr jeer oo hore weeraro sidaan oo kale ay Al-shabaab ugu qaadeen kuma guuleysan inay la wareegaan deegaanka oo waxaa ay la kulmayeen iska caabin dadka deegaanka oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa Daraawiishta Galmudug.