Kenya oo ka hadashay xilliga la fasaxayo Qaadka ay ganacsatadeedu usoo dhoofiyaan Soomaaliya.
Nairobi : Dowladda Kenya ayaa mar kale si faah faah san kaga hadashay arrin uu shaki badan ku jiro oo ku aadan xiliga dowladda Soomaaliya ay fasaxeyso Qaadka ka soo go’a beeraha dalkaasi ee loo soo dhoofin jiray Soomaaliya, si loogu suuq geeyo.
Wasiirka Beeraha ee Wadanka Kenya Peter Munya oo u waramay wargeyska THE STAR ayaa waxaa uu sheegay in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo dib loo fasixi doono Qaadka oo suuqooda ugu weyn uu ahaa Soomaaliya, iyadoo mudada labada sano ee hakadka uu ku jiray hoos u dhac balaaran ku yimid dhaqaalaha dalkaasi.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegayaa in heshiiska lagu saxiixi doono magaalada Nairobi oo ay tagi doonaan dalkaasi laba todobaad gudaheed madax sare oo kasocota dowladda Soomalaiya, Munya ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa ay Soomaaliya ku badalaneyso dib u furida suuqii Qaadka Miiraa ee wadankaasi Kenya.
Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo ayaa 19-kii bishii Maarso sanadii 2020 hakisay Qaadka Kenya, iyadoo sabab uga dhigtay cudurka Covid19, waxaana mudadaas dhexdeeda cirka sii galay khilaafka dhinaca badda oo sababay in safaaradaha lakala qaato, iyadoo dhowr jeer uu fashilmay wadahadal lagu doonayay in Qaadka lagu fasoxo, maadaama suuqa kaliya ay heystaan uu ahaa midka Soomaaliya oo la keeni jiray 50 Tan oo Qaad ah.
Waxaa qadad qarsoodi ah oo doomo Badda soo mara lagu soo dhoofiyo qaadka ka yimaada Kenya balse ganacsatada gobolka Meru kuma filna dhaq dhaqaaqa dhanka Badda ah oo waxaa ay doonayaan in si toos dib loogu amba qaado duulimaadyada wax soo saarkooda Qaadka keena Soomaaliya.
Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa badalka Qaadka Miiraa ee Kenya waxaa ay dalka u fasaxeen Qaadka Hareeriga ah ee ka yimaadda dhanka Itoobiya, iyadoo ay dowladdu dhigeeda Itoobiya la saxiixatay heshiis is dhaafsi oo ay ku daabulanayaan Kalluunka Soomaaliya.