Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo u baxay safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda ah.

Madaxweyne Xasan Sh oo u baxay safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda ah.

Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada wadan.

Safarkaan uu madaxweynuhu ugu baxay ayaa waxaa uu noqonayaa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo 15-kii bishii May oo uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha cusub ee dalka Isutagga Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadida iskaashiga labada dowladood.