Saciid Deni oo la kulmaya Xildhibaano Mooshin kawada.
Garowe : Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay Albaabada u xiran yihiinn uu Magaalada Garoowe kula yeesho Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in ay Maanta isugu yimaadaan Kulan uu codsaday Madaxweynaha Puntland kaas oo ay Saxaafaddu dibad-joog ka noqon doonto si ay isku xog wareystaan.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay uu jiray guux xooggan oo ku aadan in Xildhibaanada badi ay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni oo ay doonayaan inay kula xisaabtamaan waxyaabaha ay ka gaabiyeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxaa ay dhaliilo xooggan u jeedinayeen Golaha Wasiirada maamulka Puntland, iyaga oo sheegay in badi Shaqooyinka loo igmaday ay ku fashilmeen, halka ay si xooggan ugu ololeeyeen Deni intii ay socotay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya.
Guud ahaan Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si’aad ah loo adkeeyay, waxaana goor hore oo xalay ah Ciidamo farabadan la dhigay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.
Saciid Deni ayaa kamid ahaa musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoona kamid ahaa Afarta musharax ee ugu codadka badnaa doorashadii dhacday 15-kii bishii May ee sanadkaan.
Waxaa dhanka kale jira qilaaf siyaasadeed ka dhashay Ololihii doorasho ee Deni kaasi oo u dhaxeeya Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland & Saciid Deni, kaasi oo gaaray in Karaash uu sheegay inuu xilalkii ka qaaday qaar kamid ah Wasiirada ugu dhaw Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.