Haweeneey markii ugu horreysay ku sime Madaxweyne ka Noqotay Soomaaliya.
Muqdisho : Taariikhda waxaa markii ugu horreysay Soomaaliya ku sime Madaxweyne ka noqotay Qof Dumar ah waana Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ah Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka BJFS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada wadan.
Safarkaan uu madaxweynuhu ugu baxay ayaa waxaa uu noqonayaa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo 15-kii bishii May oo uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha cusub ee dalka Isutagga Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadida iskaashiga labada dowladood.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maalin nimadii shalay aheyd safar caafimaad oo dibadda ah u baxay inkastoo aan la helin xogta faahfaahsan ee safarka Gudoomiye Aadan Madoobe.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa xogo aan helnay waxaa ay tilmaamayaan in ka hor safarkiisii uu maanta ugu baxay dalka Isu tagga Imaaraadka uu qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho uu kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo taariiqda noqoneysa Haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo ku sime ah.