Wafdi ka socda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Itoobiya.
Adis Ababa : Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa kusoo dhaweeyay Qunsulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ahna ku-simaha Safiirka Cali Maxamed Xuseen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxay Addis Ababa uga qayb galayaan Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Geeska Afrika oo ka furmaya magaalada Addis Ababa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Beekoos waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehlinaya Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Suleymaan Koodaar.
Wafdigaan ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa mudada ay ku sugan yihiin wadanka Itoobiya waxaa ay sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dhigooda ah ee Adis Ababa ujooga ka qeyb galka shirka.