Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Faah faahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Qarax xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhex dhacay Farmashi ku yaala deegaanka Tabeelaha Sheekh ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa noo sheegay in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso lagu dhex qariyay Farmashiga taas oo keentay in uu qeeybo kamid ah burburo, sidoo kalana dhaawac soo gaaro shaqaalihii goobta caafimaad.

Xogaha qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in maamulka Farmashigaan la qarxiyay ay diideen amar kasoo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab kaas oo looga dalbaday in ay bixiyaan lacag lagu sheegay Sakawaad.

Markii uu qaraxu dhacay kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyagoona sameeyay baaritaano kala duwan inkastoo aysan cidna kusoo qaban baaritaankooda.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay lacago ka qaadaan dadka ganacsatada ah, qofkii diidana waxaa la sheegaa inay dhib u geystaan Naftiisa amaba Hantidiisa, Dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer arrimahaas ka hadashay ayaan weli heyn qorshe ay ku joojineyso ilaha dhaqaale ee ay Al-shabaab ka helaan qeybaha Bulshada.