Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.
Kismaayo : Dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose waxaa uu ku dhex maray Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar dhabogal ah ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Jubbaland, xilli ay marayeen Inta u dhaxeysa deegaanada Baarka iyo halka loo yaqaano dhul-baraha ee duleedka Magalada Kismaayo.
Wararka laga helay dagaalka maanta dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in uu ku dhintay Hal askari oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro farabadan ay gaarsiiyeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid dagan, isla markaana Ciidamada howlgallo ay sameeyeen kadib ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.
Deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya ururka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda & kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland oo isku dhinac ah.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerarro ku ekeeyeen xeryaha ciidamada Kenya & kuwa Soomaalida ay ku leeyihiin deegaanada Jubbaland, waxaa sidoo kale jira weerarro iyo howlgallo ay sameeyaan Ciidamada huwanta ah oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.