Talaado, 24 Nofembar 2026
Caalamka

Maxaa kajira in Madaxweyne Xasan Sh tagay Israel.

Maxaa kajira in Madaxweyne Xasan Sh tagay Israel.

Muqdisho : Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay war maalmihii lasoo dhaafay soo shaac baxay oo ku aadanaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Israel.

Afhayeenka ayaa uu beeniyay wararka, waxaa uuna sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel, maadama Soomaaliya iyo Israel aanu ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed balse safarka wafdiga Madaxweynaha uu ku ekaa kaliya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Cabdi kariim Cali Kaar ayaa waxaa uu sheegay in booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ku ekeyd dalka isku tagga Imaaraadka Carabta Israel-na aysan ku oolin Imaaraadka sida uu hadalka udhahay.

Hadal hayntaan ayaa timid kadib markii qaaar ka mid ah wafdigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay karantiil lagu galiyay Imaaraadka Carabta .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Axaddii la soo dhaafay u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, Booqashada Madaxweyne Xasan ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba cisho, balse muddo ka badan intii la qorsheyeeyay ayuu maqnaa waana arrinta dhalisay hadal haynta baraha bulshada.

Qeyb kamid ah xogta la baahiyay ee la xiriirta in wafdiga Madaxweynaha ay tageen Israel ayaa sidoo kale qeyb ahaan waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha & Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay Abu Dhabi kula kulmeen Taliyaha Sirdoonka Israel & Diblomaasi sare oo ka tirsan waaxda Arrimaha Dibadda ee maamulka Yahuudda.