Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Gaadiidleyda Kenya oo wajahaya Cabsi dhanka Al-shabaab ah.

Gaadiidleyda Kenya oo wajahaya Cabsi dhanka Al-shabaab ah.

Xubno kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari Bas ah iyo mid Tax ah oo marayay gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay dadkii saarnaa ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha Kenya.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Gaariga Baska ah ayaa rakaab ka soo qaaday Nairobi waxa uuna kusii jeeday Mandheera rag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa joojiyay ka dibna waxaa ay baaris ku bilaabeen Rakaabkii saarnaa sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah darawadalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Al- Shabaab ay raadinayeen dad aan deegaanka u dhalan, “waxay ku amreen dhammaan rakaabkii inay ka soo degaan baska, waxayna raadinayeen dadka aan deegaanka u dhalan wax ka badan laba saacadood ayay wareysanaayeen dhammaan rakaabkii saarnaa gaariga” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa waxaa ay sheegaan in xubnaha Al-Shabaabka qaar ka mid ah ay baarayeen rakaabka, qaar kalena lagu arkay kaymo ku dhow wadada weyn ee B9, halkaas oo ay difaac kaga jiree.

Ma jirto cid wax ku noqotay howlgalkaas ay Al-Shabaab deegaanka ka fuliyeem, maadaama aysan jirin cid aan deegaanka u dhalan, waxaana gaadiidleyda ay sheegeen in aysan qaadi karin dad aan u dhalan deegaanada Soomaalida, maadaama ay Al-Shabaab beegsanayaan.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo kamid ah kuweeda usoo dirtay gudaha Soomaaliya waxaana dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay taa badalkeeda weerarro ka fuliyaan gudaha Kenya iyo gobolka Waqooyi Bari ee dhulka Soomaalida oo ay ku beegsanayaan Ciidanka iyo Shacabka Kenya.